Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda sunniga ah ee Jaish al-Adli oo weerar ka fuliyay dalka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712193051661.jpg?resize=720%2C65

Kooxda sunniga ah ee Jaish al-Adli ayaa xalay weerartay saldhigga ugu weyn ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ee ku yaalla magaalada Rask oo ku taal xadduudka Pakistan, halkaa oo ay qaraxyo ka dhaceen.

Muuqaallo ay soo gudbisay kooxdaasi waxaa laga arkay inay gudaha u galeen bakhaarada kaydka hubka ee saldhigga ku yaalla. Kooxdan waxay dhowaan dhalisay isku dhac dhexmari gaaray Iran iyo Pakistan, markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhigyo ay kooxdan ku leedahay gudaha dhulka Pakistan.

Bishii December ee tagtay Jaish al-Adl waxay sidoo kale weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla Rask, isla magaalada ay xalay weerarreen ee ku taal xudduudda Pakistan.

Dhinaca kale tan iyo bilowgii sannadkan Iran waxaa soo maray weerarkii ugu dhimashada badnaa e gudaha dalkaas ka dhaca tan iyo intii uu dalkaasi ka curtay kacdoonka islaamiga ah . Labo qarax oo bambaanooyiin loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay 84 qof ka dib markii la bartilmaameedsaday xaflad loogu baroor diiqayay dilkii Qasem Soleimani oo Ciraaq lagu dilay sannado ka hor.

PUNTLAND POST

The post Kooxda sunniga ah ee Jaish al-Adli oo weerar ka fuliyay dalka Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this