Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo ka warbixisay Shirkii Addis Ababa ee iyaga iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1712188670811.jpg?resize=720%2C48

Wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan  kula qaatay Addis Ababa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ethiopia.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, ayaa Wadahadalkooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga dowladda Puntland ayaa ku si qoto dheer uga hadlay  xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray dowladda Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u dhacday doorashadii dhacday.

DHAMMAAD

The post Xukuumadda Puntland oo ka warbixisay Shirkii Addis Ababa ee iyaga iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this