Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo marinka Gaza ku dishay shaqaale ka tirsanaa hay’adaha Gargaarka

Recommended Posts

Deeq A.   
idf-1.jpeg?resize=1000%2C541&ssl=1

Hay’adda gargaarka qaabilsan ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee World Central Kitchen ayaa xaqiijisay in toddoba ka tirsanaa shaqaalaheeda ay Israa’iil ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo laga fuliyay marinka Gaza .

Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalahaasi  lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil, waxaana dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Falastiin, Australia, Poland, UK, iyo labo heysta dhalashada Mareykanka iyo Canada ah.

World Central Kitchen waxay millatariga Israa’iil ugu baaqday in ay joojiyaan dilka aan kala sooca lahayn ee Gaza loogu geysanaayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in cisbitaalka al-Shifa ee Gaza la burburiyay maalin ka dib markii ciidamada Israa’iil ay ka baxeen dhismahaasi kuwaas oo laba todobaad halkaasi ka waday weerar lagu beegsanaayo dadka rayidka.

Ugu yaraan 32,845 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 75,392 oo kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo marinka Gaza ku dishay shaqaale ka tirsanaa hay’adaha Gargaarka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this