Sign in to follow this  
Deeq A.

Mushkilad ayna xukuumadda Kulmiye abuurin dalka kama ay dhicin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalku waxa uu galay xaalad dhaqaale oo aad u cakiran iyo mid siyaasadeed waxa gabi ahaanba is fahmi la oo isla jaan qaadi kari waayay shicbkii iyo xukuumaddii ay doorteen,inkasta oo hada wakhtigeedii la doortay uu dhacay waxa markii u horsysay la srksy dadkii bir ma gaydada ahaa oo suuqyada ka dawarsanaaya, xaaladda qalafsan ee argagaxa leh hore dalka uma ay soo marin laga soo bilaabo tan iyo intii Somaliland la aasassay, waxana u sabab ah maamul xumo

Waxa soo baxaysa aqoon dari maamul iyo mid siyaasadeed oo ka muuqata dadka hagaaya xukuumadda hada ka talisa dalka. Ta ugu darani waxa aad arkaysaa xukuumadda Muuse Biixi oo cadhaysan kana xanaaqsan waxyaabo ay iyadu abuurtay oo aanay cidna kala tashan.

Tusaale ahaan waxa ay Xukuumadda Muuse hawadii ku wareejisay iyada oo aan la qasbin xukuumadda taagta daran ee ka talisa magaalada Muqdisho xagii ay ahayd in Somaliland lagu wareejiyo ama inta la kala arinsanaayo maamulka hawada loo daayo hay’adii maamulaysay, marka aad eegto dhibka halkaas ka yimid ee xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay abuurtay uu noqday mid ay dunida oo dhami ka qaylisay taasi oo ilaa maanta taagan ilaa hadana aan wax xal ah oo waara loo haynin.

Dhibka kale ee jira ee xukuumadda Kulmiye ay gacanteeda ku abuurtay waxa ka mid ah wada hadalada ma dhalayska ah ee ay la furtay Somaliya, kuwaasi oo ilaa hada wax najiito ah aan laga gaadhin, wada hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo mar walba lid ku ahaa gooni isu taaga Somaliland, waxana ay xukuumadda Kulmiye fahmi kari wayday cida gogosha u dhigaysaa in ay mar walba la safantahay maamulka gacan ku rimiska ah ee Muqdisho.

Dhanka kale waxa jira sida ay dhawaan xisbiga mucaaridka ah Waddani sheegay in xukuumadda hadu ay wiiqday awdii ciidamadii awooda badnaa ee laga baqi jiray.

Hadal haamo lagama buuxsho ee hada dalku waxa uu u baahanyahay in dhabadii uu ku socday dib loogu soo celiyo, waxana taasi kow u ah in la helo doorasho xor ah oo xalaal ah.

Shicibka Somalilandna waxa la gudboon in ay dhamaantood gacmaha is qabsadaan iskana ilaaliyaan qaybsanaan iyo muran aan meelna gaadhsiinaynin, dalku waxa uu u baahanyahay is bedel dhab ah waxana la soo arkay xisbi xaakimka oo daka iyo dadkaba la dagay maanta bari ilaa galbeed dadku waa isku mid xataa lama odhan karo xukuumadda hadu waxa ay si gaar ah wax ugu qabatay deegaan gaar ah dadku waa in ay ka dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaaya midimadooda waxa maanta dadweynaha reer Somaliland la gudboon in ayna eedin fartooda 🖕 ee ay fartooda ku badhasdhaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this