Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI ee Jarmalka oo soo Dhaweeyay Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI ee Jarmalka oo soo Dhaweeyay Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda
IMG-20240401-WA0020.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Hoggaanka xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka ayaa Magaalada Kassel ku yeeshay kulan Afur ah oo lagu soo dhawaynayay xoghaye ku xigeenka arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI.

Kulankan ayaa sida oo kale lagu lafo guray qorshaha lagu wajahayo doorashooyinka sanadkan astaysan waxaana laga soo saaray 8 qodob oo lagu sii laban laabayo dadaallada xisbigu ugu jiro in uu talada dalka haaneedo islamarkaana ka shaqeeyo midnimada bulshada Somaliland

Shirkan waxa ka qayb galay Xoghaye ku xigeenka arrimaha dibadda Mustafe Muumin, Guddoomiyaha dalka Germany Amb. Abdifatah Osman, Gud.kuxigenka 2aad Ahmed Daahir, Xoghaye Ahmed Oday, Gud. Ahmed Salax, Gud. Abdrahmaan Maryacase , Gud.Garabka haweenka Marwo Nimco Cilmi, Xidhiidhiye Abdirisaq Dhamme, Xog Idiris Muuse, gud Mohamed Ali, Gud Mawliid Muuse, Xog Mubarik Qorane, Afhayeen Abdi Ali Guray Iyo dhammaan hoggaanka Xisbiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this