Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Nisa oo Gacanta Ku Dhigtay Xubno Al-shabaab ah Gudaha Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labolaba xubin oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Xilliga ay qabanayeen ciidamada ayaa la sheegay iney gacmaha ku wateen Qaraxyo sida lagu sheegay qoraal kooban oo hey’addu ay baahisay, xubnahaan ayaa gacanta u galay ciidanka amniga Muqdisho.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo wax badan ka badeshay amniga guud.

Bisha Ramadaano o mareysa gabagabo ciidanka ammaanka caasimadda ayaa sare u qaaday sugidda iyo dadaalka amniga, waxaana lasoo kordhiyay tirade ciidanka ka howlgala ammaanka magaalada Muqdisho.

image-1.png image.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this