Sign in to follow this  
General Duke

SHEEKH NUUR MACALLIN: “Hoggaamiye kooxeedyada diidan in dalka Ciidamo la keeno

Recommended Posts

SHEEKH NUUR MACALLIN: “Hoggaamiye kooxeedyada diidan in dalka Ciidamo la keeno waa kuwa diidan Nabadda iyo kala dambeyntaâ€

 

 

Sh%5B1%5D.%20Nuur%20Macallin.JPG

 

Sheekh Nuur Macallin Axmed oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo Ciidamo awood leh oo si siman hubka uga dhiga kooxaha Soomaalida, “Ma ahan in lagala tashado kuwii 15-ka sano dalka dhibaatada u geystay oo hadana diidan in Ciidamo Afrikaan iyo Carab ah dalka la keeno iyo kooxo yar oo aan matalin shacbiga intiisa badan†ayuu yiri Sheekh Nuur Macallin oo intaa ku daray inaysan marnaba suuragal ahayn in Soomaalida dhexdeeda ay Hubka iska dhigto.

 

 

Dhinaca kale Sheekha ayaa sheegay in haddii ay yihiin Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay soo dhoweynayaan Ciidamo ka tirsan IGAD iyo Jaamacadda Carabta inay dalka yimaadaan, “Ma rabno Itoobiya micnaheedu waa ma rabno Nabadda†ayuu yiri Sheekh Nuur oo intaa raaciyay inay diidmadaasi tahay xeel siyaasadeed oo loogu gabanayo diinta.

 

“Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee dalka yimid ayaa diinteena muqadaska ah soo faragelin waayay, hadana IGAD ama Itoobiya sooma faragelin doonaan dhaqankeena suuban iyo diinteena, balse xilligii UNOSOM ayay ahayd markii Askar Bakistaaniyiin Muslim ah lagu dilay Muqdisho, kuwaasoo noo soo gurmaday ee yaan lagu gaban diintaâ€.

 

Ugu dambeyntii Sheekh Nuur Macallin ayaa sheegay in madaxda Xukuumada Federaalka ay ku adkeystaan mowqifkooda ah in Ciidamo hub ka dhigis la keeno dalka, iyagoo taageero buuxda ka heysta qeybaha bulshada, “Inshaa Allah Soomaaliya waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu dhibaatada, nabad la’aanta, gaajada iyo balaayadaba ka dulqaado, aamiin†ayuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Sheekh Nuur Macallin Axmed.

 

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xasan JEERI

 

jeerigaarweyn@hotmail.com.

 

Xafiiska somaliweyn ee Mugadishu

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

“Ma rabno Itoobiya micnaheedu waa ma rabno Nabadda†ayuu yiri Sheekh Nuur

Sida sharafta magaca "Shiikh" lahaan jiray loogu ciyaaray.

 

Etoopiya iyo nabadeena maxaa isku meel keenay :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this