Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland maxay ka tidhi dastuurka cusub ee ay samaysteen Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa sheegtay in dastuurka cusub ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay uusan khusaynin.
42401660-ef81-11ee-b0e1-b9dd5ac46984.jpe
Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’, oo waraysi siiyay warbaahin maxalli ah, ayaa sheegay in reer Somaliland aysan waligood qayb ka noqon dastuurka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay hada kahor aaminsanayd in Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, lakiin ay hada samaysteen dastuur u gaar ah, oo ay soo afjareen doodoodi hore, waxaanu sheegay intaasi ay ka dhigantahay in Somaliland ay Soomaaliya aqoonsatay.

“Waxa ku cusub ee soo kordhayna waxa weeyaan uun in wixii ay iskugu sheekayn jireen ee ay odhan jireen Somaliland ayaa la sugaya ay soo afjareen, oo ay yidhaahdeen awrkiinu haku qaado oo ay ku tashadeen intooda iyo dalkooda” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Somaliland ayaa war kasoo saartay meelmarinta waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya oo xildhibanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay shalay oo sabti ah ansixiyeen afar cutub oo waxkabaddal lagu sameeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this