Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Beesha Caalamka oo Maanta Shir ka yeeshay Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo kuwa Bini’aadanimada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711883568754.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay  hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee  Go’aanka Dowladda Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Halkan ka eeg Sawirada Shirka

FB_IMG_1711883558852.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1711883679955.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1711883616169.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1711883676670.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1711883655881.jpg?resize=720%2C61 FB_IMG_1711883612234.jpg?resize=720%2C74 FB_IMG_1711883672553.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1711883667235.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1711883639576.jpg?resize=720%2C52 FB_IMG_1711883672553-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1711883624608.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1711883643260.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1711883563288.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo Maanta Shir ka yeeshay Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo kuwa Bini’aadanimada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this