Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo marinka Gaza ku laayay shacab gargaar bini’aadanimo loo qeybinayay

Recommended Posts

Deeq A.   
9a67ebfe-03b7-45ff-8126-17d8e212e00c_w40

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo ka dhacday gargaar bini’aadanimo oo la geeyey marinka Qaza.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar bini’aadanimo ayaa gaaray gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan.

Goobta ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan, waxaana arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen. Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida gaadiidka waaweyn ayaa jiidhay qaar ka mida dadweynihii goobta ku sugnaa, waxaana toogasho lagu dilay saddex qof oo kale.

Bishan March 23-keedii ayay sidoo kale ahayd markii ay ciidamada Israa’iil dileen illaa 21 qof oo ka mid ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa goob cuntada lagu qaybiyo, sida ay sheegtay xukuumadda Xamaas ee ka Talisa marinka Qaza, hase ahaatee Israa’iil ayaa iyadu iska fogaysay eeddaas.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Bishan March 19-keedii ayaa ka digtay, in kala bar shacabka Falastiin ay la nool yihiin gaajo, waxaana warbixintu intaas ku dartay in laga cabsi qabo inay dhinaca woqooyi ee Qaza inay ka dillaacdo macaluul baahsani, haddii aan faragelin degdeg ah lagu samaynin xaaladda Qaza.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Israa’iil oo marinka Gaza ku laayay shacab gargaar bini’aadanimo loo qeybinayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this