Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Halka laga keenay Jaaygii hadal-heynta abuuray ee laga soo dejiyey dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_9120.jpeg?fit=1080%2C1110&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-heynta Jaay laga keenay dalka Turkiga oo laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, si loogu dhiso guryaha.

Sawirro laga soo qaaday ku dhowaad 10 carro gediye oo dekedda Muqdisho taagan, isla markaana Jaay sida ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Soomaaliya waxaa aad ugu badan dhagaxa oo laga sameeyo Jaay, sidoo kale inta badan dalka waxaa laga helaa Jaay aan warshadeyn u baahneyn.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed markii ay maanta ku arkeen baraha bulshada, waxaana ilaa hadda laga yaaban yahay sababta loogu baahday in Jaay laga soo dhoofiyo Turkiga.

Ganacsatada dalka keentay Jaaygaas ayaa laga soo xigtay inuu ka tayo fiican yahay kan Soomaaliya, balse ma jirto khasaaro lagu qabo Jaayga ama dhagaxaanta ay Soomaalidu ku dhisato guryaha.

Dowladnimada Soomaaliya oo aad u jilicsan ayaa loo aaneynayaa sababta dalkaan loo keenayo wax kasta, mana ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliya loo soo dhoofiyey waxyaabo laga helo dalka.

Hadda ka hor waxaa la keenay oo hadal heyn badan abuuray qudaar loo soo dhoofiyey Soomaaliya, sida Canbe iyo Moos, kuwaas oo si xad dhaaf ah uga baxa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa mar la sheegay in madax Ari ciiriin ah oo seejalan la keenay dalka, taas oo la yaab iyo niyad jab ku noqotay dadka Soomaaliyeed oo aan weli helin dowlad ka koontoroosha waxyaabaha loo soo dhoofinayo dalka.

The post Xog: Halka laga keenay Jaaygii hadal-heynta abuuray ee laga soo dejiyey dekedda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this