Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Oo Mishiin Laydh Gaadhsiisay Cisbitaalka Baligubadle iyada oo xisbiga Waddani hore u geeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa cisbitaalka guud ee magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd gaadhsiisay mashiin weyn oo laydhka oo loogu talo galay cisbitaalkaas.

Agaasimaha waaxda dabagalka mashaariicda wasaaradda hor-u-marinta khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Dirir,waxaana uu agaasimuhu ugu horayn ka warbixiyay mashiinkan uu gaadhsiiyay cisbitaalka degmada Baligubadle,waxa aanu tilmaamay in mashiinkani ku filan yahay,isla markaana uu wax badan ka bedeli doono habka dabka ee cisbitaalka.

Agaasimaha Waaxda dabagalka mashaariicda wasaaradda hor-u-marinta khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Dirir waxa kale oo uu sheegay in ay mashiinkan weheliyaan qalabka Solar-ta oo dhammaystiran,kuwaas oo awood u leh in ay shidaan cisbitaalka magaalada Baligubadle.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay,hadalo mahadnaq ahna ka jeediyay Agaasimaha guud ee cisbitaalka Degmada Baligubadle Cabdixakiim Maxamed Maxamuud,Maayirka degmada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine) iyo badhasaabka gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan,waxa aanay tilmaameen in mashiinkan laydhka iyo qalabka Solartuba ay ku filan yihiin cisbitaalka magaalada Baligubadle,iyaga oo si weyn ugu mahadceliyey wasiirka wasaaradda Hor-u-marinta Khayraadka biyaha.

Waa mishiinkii labaad ee cisbatalkaasi la geeyo iyada oo xisbiga Waddani uu todobaadkii hore ay gurmad degdeg ah ku geeyeen xisbatalkaasi Baligubadle oo xaaladiisa laydh landed laga dayriyay iyada cisbatalkaasi laga soo diray muuqaalo argagax leh oo sharaxaaya dhibka ay laydh la’aantu ku hayso bukaan jiifka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this