Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Tallaabada Xildhibaannadu Ku Ansixiyeen Dastuurka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha oo ah Ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka ayaa tilmaamay in Dastuurkan uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka”.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya labadiise ayaa maanta mel mariyay maanta afarta cutub ee ugu horeyso dastuurka xildibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay marka laga reebo tiro xildhibaanno ah oo ka maqnaa fadhiga oo aan soo xaadirin, waxaana muuqata ka go’naanta dowladda ee meelmarinta dastuurka dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this