Saalax Posted April 19, 2010 Written by C/laahi Xuseen Darwiish 19, 2010 at 02:34 AM Ceerigaabo(Qarannews) Koox budhcad badeed oo ka kooban 7 nin wateyna hal laash ayaa waxa maalintii axadda (shalayto) ciidammada ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag ku qabteen degaan-xeebeedka u dhexeeya degmada Maydh iyo degmadda Laasasurad ee gobolka Sanaag. "Nimankani waa toddoba nin oo budhcad-badeed ah waxayna wateen hal laash oo bed qaba, haseyeeshee hubkoodii badda ayay ku daadiyeen taasoo aannu u malaynayno maraakiibta iyo diyaaradaha ciidammada caalammiga ah ee badda ilaalinaya in ay arkeen kana soo baqdeen". Sidaas waxa yidhi Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Maxamuud. Isagoo intaas kusii daray "Shan ka mid ah budhcad-badeeddan oo aannu ku qabannay goobta laashku yaalley iyo laashkii waxannu geyney Maydh, labada kale oo aannu ku qabannay Laasasurad iyagana halkaas ayaannu caawa geyn doonnaa". Ma cadda budhcad-badeeddan marka laysugu geeyo Maydh halka looga sii qaadi doono, isagoo taliyuhu taas ka jawaabayana wuxu yidhi "Kolleyba markan hore Maydh ayaannu dhammaantood geynaynaa xagga sarena war baannu ka sugaynaa". Wararka qaarkood aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxdan budhcad-badeedka ah halkaas(Maydh) looga sii qaadi doono magaalada Berbera oo kiiskoodana lagu qaadi doono, halka wararka qaarkoodna sheegayaan in loo qaadi doono magaalada Ceerigaabo oo qaar horena ku xidhan yihiin. Sikastaba ha ahaatee qab-qabashada budhcad-badeedda soo hunguraysa in ay gaadiid ka afduubtaan xeebaha iyo badda Somaliland ayaa ah kuwo markastaba jab iyo halaag kala kulma halkaas, kuna danbeeya xabsi dheer iwm. Quote Share this post Link to post Share on other sites