Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Israa’iil siinaya bambooyinka halista ah iyo diyaaraha dagaalka ee wax duqeeya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711752133200.jpg?resize=720%2C51

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa mar kale ku celiyay hadalkiisii ​​ahaa in waddamada Carabta ay sugayaan kaliya dagaalka Qasa in la soo afjaro si ay u aqoonsadaan Israa’iil.

Waxyar kaddib Hadalka Biden, wargeyska Washington Post ayaa soo bandhigay in uu si qarsoodi ah Mareykanka u ansixiyay bambooyin iyo diyaaraha dagaalka oo la siinayo Israa’iil.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in bambooyinkaasi ay ku jiraan 1,800 oo bam gaar ahaan noocyada MK82 iyo MK84, oo miisaankoodu u dhaxeeyo 500 illaa 2000 rodol.

Maamulka Biden ayaa maalmihii la soo dhaafay si aamusnaan ah u oggolaaday in balaayiin doollar oo bambaanooyin iyo diyaaradaha dagaalka lagu wareejiyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa dhankeedaa isku diyaarinaysa inay duulaan ku qaado halka ay u qaxeen dadka ka barakacay Qasa ee Rafah oo la qiyaasayo in ka badan hal milyan iyo bar dad ah inay halkaa gabaad u tahay.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Israa’iil siinaya bambooyinka halista ah iyo diyaaraha dagaalka ee wax duqeeya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this