Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga oo bisha May booqanaya Aqalka Cad ee Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
AP24068698911343.jpg?resize=1000%2C667&s

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May ee sannadkan 2024, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Turkish ah.

Biden iyo Erdogan ayaa ka wada-hadli doona iskaashiga difaaca labada dal oo ay ku jirto ansixinta dhowaan Turkiga loogu ogolaaday iibsashada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan, ayaa soo hagaagayey tan iyo markii Ankara ay bishii Janaayo ogolaatay xubinnimada Sweden ee NATO.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Turkiga oo bisha May booqanaya Aqalka Cad ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this