Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Heshiis Shidaal baaris oo ay wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711549106497.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, sida lagu caddeeyay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo in ay ka maaranto deeqadaha caalamiga ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka iyo Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Heshiis Shidaal baaris oo ay wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this