Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadaladii Israa’iil iyo Xamaas oo Fashil Ku Dhow iyo Israel oo Shaacisay Qorshe Cusub Ee Dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadahadalladii u dhaxeeyay Israel iyo Ururka Xamaas ayaa ku dhow inuu burburo, kadib markii la isku mariwaayay sida ay wax u socdaan, Israel ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’an tahay in Xamaas ay kaga awood roonaato dagaalka, taas oo garabka kale ka careysiisay, xilli laga dhursugayay xabadjoojin  

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa Salaasadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeedheen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this