Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sheegtay in laba diyaaradood ku sigteen in ay isku dhacaan kadib markii amar qaldan laga siiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240326_151930039.jpg?resize=720

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo ay lee yihiin Ethiopian Airlines iyo Emirate Airways ay ku sigteen in ay isku dhacaan Hawada Soomaaliya kadib markii Hagayaasha Diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho ay labada diyaaradood siiyeen Joog iyo wakhti isku mid ah.

“Habeenimadii Axaddii  March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog  37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland.

“Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft. Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Hay’addaasi.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa intaasi ku dartay “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn. Waxa aanu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.”

Dhinac kale, dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin Warka Somaliland soo saartay ee ku saabsan in laba diyaaradood oo ay lee yihiin Ethiopian Airlines iyo Emirate Airways ay ku sigteen in ay isku dhacaan Hawada Soomaaliya kadib markii Hagayaasha Diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho ay labada diyaaradood siiyeen Joog iyo wakhti isku mid ah, sidoo kalena labada Shirkadood ee Ethiopian Airlines iyo Emirate Airways midna weli kama hadlin Arrintaasi.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo sheegtay in laba diyaaradood ku sigteen in ay isku dhacaan kadib markii amar qaldan laga siiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this