Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee QM oo qaraar cusub kasoo saaray dagaalka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-ammaanka-QM.png?fit=1323%2C714&ss

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza.

Xabad-joojintan ayaa socon doonta hadey hirgasho inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taasi oo haatan maraysa kala badh.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si deg-deg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bed-qabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasi oo fududaysay in qaraarkani dhaqan-galo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guul-daraystay.

The post Golaha Ammaanka ee QM oo qaraar cusub kasoo saaray dagaalka GAZA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this