Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Dowladda Puntland oo soo saartay War-saxaafadeed ka kooban laba bog ayaa si cad u sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin, una hoggaansami doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka bedelka kasta oo qaab aan heshiis lagu hayn loogu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“Haddii la meel mariyo isku dayga samaynta Dastuur cusub Dowladda Puntland uma hogaansami doonto mana aqoonsan doonto, kuna dhaqmi doonto wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn”.

“Baarlamaanka Soomaaliya awood iyo sharciyad midna umalaha samaynta dastuur cusub, waxaa dhammaystirka u baahan waa qodobo kooban oo kali ah, saxna ma ah in dastuurka dalka oo dhan la beddalo muranna la geliyo wixii umaddu ku heshiisay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale uga digtay Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dedaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadallo lagu illaalinayo midnimada dalka iyo badbaadinta hannaanta Federaalka ah iyo Dastuurka jumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay.

“Dowladda Puntland waxay uga digaysaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dedaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadalo lagu illaalinayo midnimada dalka iyo badbaadinta hannaanta Federaalka ah iyo Dastuurka jumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhan

FB_IMG_1711405788661.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1711405793090.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this