Sign in to follow this  
General Duke

Punch up in Somaliland parliment leads to the resignation of deputy speaker

Recommended Posts

Guddoomiyekuxigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada, Cabdulqaadir Jirde Oo Iscasiley

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 December, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdulqaaddir X. Ismaaciil Jirde ayaa iska casiley xilka.

 

Mudane Cabdulqaaddir Jirde waxa uu warqad iscasilaad ah u qoray Guddoomiyaha Golaha, kadib markii uu buuq iyo rabshad gacan-ka-hadal leh ku dhammaaday fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta.

 

Warqaddaas oo saxaafadda loo qaybiyey, waxa uu mudane Jirde u qoray sedan:

 

“Anigoo ah Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa inaan laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29/12/2004 ka baxay xilkii aan Golaha u hayey.

 

Sidaa darteed, waxaan codsanayaa inaad sidaa igaga aqbashid istiqaaladda, sababtoo ah caafimaad darro iyo anigoo aan hoggaamin karin Golahaâ€.

 

Fadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo lagaga doodayey miisaaniyadda dowladda ee 2005 ayaa buuq iyo muran ka dhacay kadib markii la isku maandhaafay qaabka loo gelayo miisaaniyadda, iyadoo mudanayaasha qaar soo jeediyeen in dood laga furo miisaaniyadda, halka shirguddoonka iyo mudanayaal dhawr ahina dalbanayeen in guddiga Dhaqaalaha ee golaha loo dhiibo miisaaniyadda si ay uga soo taliyaan. Waxana uu shirguddoonku ku dhawaaqay in shirku xidhan yahay markii buuqa iyo muranku dami waayey.

 

Murankii iyo khilaafkii arrintaasi ka dhashayna waxa uu sababay in laba mudane ay gacanta isula tageen markii ay golaha dibadda uga baxeen, halkaas oo ay feedh iyo legdin dhulka isla rafteen. Cabdulqaaddir Jirde laftiisa ayaa la sheegay in mudanayaasha is dilayey iyo kuwa kala qabanayey ay isla jiidheen oo uu isaga laftiisa dhulka la dhigay, waxoogaa jugo ahina ay soo gaadheen.

 

Aqbalaadda iyo diidmada istiqaaladda Guddoomiyekuxigeenka waxa leh Golaha oo cod u qaadaya marka la horgeeyo.

 

Waxaase la mid ah istiqaaladdan mid aan waxba kaga duwanayn tii Guddoomiye Qaybe qoray saddex bilood ka hor, taas oo uu maalmo kadib isagu ka noqday iyadoo aan golaha la soo hordhigin.

 

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this