Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax Lagu Taageerayo Dhameystirka Dastuurka oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa manta ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dastuurka dalka, kaas ooh adda sugaya in la ansixiyo afarta cutub ee ugu horeysa, banaanbaxaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kaleduwan oo dowladda katirsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda federalka ayaa qeyb ayaa Shacabka Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay Banaanbaxa oo ka dhacay taallada Dakirka Daahsoon.

Shacabka oo watay boorar ay ku xar-dhan yihiin in la dhameystiro Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay Ansixiyaan Dhameystirka Dastuurka. Iyagoona Madaxwaynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku taageeray ka dhabeynta balan-qaadkiisa ahaa in uu dhameystirayo Dastuurka dalka.

Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, xubno ka tirsan Hormuudka Haweenka, Dhalinyaradda iyo Culumada, oo halkaasi kula hadlay kumanaanka shacab ee isugu yimid barxada Taalada Daljirka Dahsoon, ayaa codkooda ku biiriyay taageerada Dhameystir Dastuurka, Isla markaana kuwa diidan ugu baaqay in ay ka hor leexdaan masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay mid muqadis ah, si loo helo xuquuqda ka maqan kumanaanka shacab ee ku nool Gobolka Banaadir, isla markaana loo cadeeyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, Asigoona ugu baaqay xubnaha xildhibaanada labada Aqal in ay Ansixiyaan dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

431531837_816864793824147_46596776867219 431548259_816867103823916_25480787222649 433438768_816869103823716_61524449582344 433439903_816868910490402_34143738706099 433442497_816868823823744_79454328542822 433442798_816869343823692_78724583878280 433449098_816868490490444_43564768406796 433461867_816868317157128_36799587116750 433463377_816868620490431_74875079679886 433465371_816868453823781_56329275774812 433482952_816869363823690_54874106902760 433490551_816868513823775_77548003333691 433875416_816867397157220_82859470342829 434036054_816868640490429_51455910419181 434040771_816868427157117_41219077069647 434175580_816869437157016_59310407885202 434180631_816868873823739_20653224834625 434186887_816869387157021_90876133727883 434190506_816869417157018_64068189407999 434197085_816869140490379_54592640910912 434200761_816868897157070_60111796593047 434203276_816869163823710_87789161741381 434220637_816868340490459_38655388621149 434223271_816868633823763_48259109782152

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this