Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qaabkee loo dilaa saraakiisha ciidamada DF? 6 sarkaal oo lagu dilay labo sano

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_8998.jpeg?fit=800%2C450&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa labadii sano ee ugu dambeysay galaafta nolosha saraakiil sare oo muhiim ahaa, kuwaas oo lagu dilay weerar isku nooc ah, hadaba maxaa is bedelay?

Dowladda Soomaaliya labo xilli ayey si weyn ula dagaalantay kooxda Al-Shabaab, labada jeerba waxaa xukunka joogay madaxweyne Xasan Sheekh, balse muddo xileedkaan waxaa sii badaneysa saraakiisha lagu dilayo dagaallada.

Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, dowladda Soomaaliya waa ka gacan sareysay Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay xiligaas in laga saaro degmooyin qadiimi ah iyo deegaamo muhiim ah, iyadoo khasaare badan uusan soo gaareynin ciidanka dowladda.

Hadda dowladdu waxay gaari la’dahay qaar ka mid deegaanadii ay Shabaab ka xoreysay 10 sano ka hor, sida Ceelbuur, dagaal kasta oo dhaca khasaaraha ugu badan wuxuu gaaraa ciidanka, halka markii hore dagaal kasta lagu jebi jiray Shabaab-ka.

Caasimada Online waxay baartay qisada ka dambeysa qabadda dagaalka ka heysta dowladda ee mar kasta ciidanka loo jebiyo, waxaana soo baxday in Shabaab bedeleen qorshahooda dagaalka, halka dowladdu aysan bedelin sidii ay ula dagaalami jirtay Al-Shabaab.

Markii laga soo tago dejinta kaartooyinka dagaal ee Shabaab iyo dowladda, waxay cadeyno buuxa loo helay Shabaab aysan ku dagaalamin deegaanada ay ku weeraraan ciidamada dowladda.

Markii ciidanku weeraro deegaan waxaa isaga baxda kooxda Al-Shabaab todobaadyo ama maalmo kadib ayey dib u soo weeraraan, iyagoo mar kasta ku jebiya ciidanka.

Weerarrada ay fuliyaan Al-Shabaab waxay dhacaan hal waqti, sida inta aan la gaarin salaadda Subax, waxayna ku bilaabaan qaraxyo ay ku argagax geliyaan ciidanka, taasi waxay ka saamaxdaa in ciidamada dowladda ay ku jebiyaan dagaallada.

Weerarkii ugu dambeeyey wuxuu shalay ka dhacay deegaanka Busley oo qiyaastii dhowr iyo 40 KM koonfur ka xiga Muqdisho, halkaas waxaa lagu dilay sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan, waxaana ciidanka qaranka looga furtay gaadiid dagaal.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkaan labo sano ka hor dowladda Soomaaliya waxay ku weysay ugu yaraan lix sarkaal oo kuwii ugu waaweynaa ah ciidanka qaranka, waxaana saraakiisha shahiiday mudadii dagaalkaan lagu jiray ka mid ah:

Jeneraal Farxaan maxamuud Aadan (Qaroole) oo 30-kii bishii Sebtembar ee sannadkii 2022 lagu dilay deegaanka Basra ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Benaadir.

Korneyl Abshir Xasan Shataqey 17-kii Janaayo ee 2023 ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Xawaadley ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa sarkaalkkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamayey furintaas.

Gaashaanle Xasan Tuure ayaa 20-kii bishii Janaayo ee 2023 lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey aagaas, sidoo kale wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada kumaandoosta ah ee Danab.

Agoosto 2023 Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) oo ahaa taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamay Cowsweyne.

6-Janaayo 2024 waxaa duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug lagu dilay Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug), wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamadii ka dagaalamayey koonfurta gobolka Mudug.

Shalay oo aheyd 23-kii bishan Maarso 2024 Gaashaanle Liibaan Golcad ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Busley gobolka Shabeellada Hoose oo hoos taga degmada Afgooye, Liibaan wuxuu ahaa sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho.

The post Xog: Qaabkee loo dilaa saraakiisha ciidamada DF? 6 sarkaal oo lagu dilay labo sano appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this