Sign in to follow this  
General Duke

TFG : SECURITY, SECURITY, SECURITY

Recommended Posts

Ciiddamadda DFKMGS oo adkeysay ammaanka wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Warsheekh

 

 

26, Apr 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys)

 

Muqdisho - Taliyaha Ciiddamadda DFKMGS ee ku sugan Aagga Galgalato, Kornel Xuubeey Geeddi Baashaal, ayaa sheegay inay Ciiddamaddiisa sugayaan Ammanka Guud ee Degaankaasi iyo tan Waddada isku xirta Muqdishu iyo DegmaddaWarsheekh.

 

Taliyaha oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacadda iyo Tv-ga Somaliweyn, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay heegan buuxa ku jiraan, si ay uga hoirtagaan Kooxaha hubeysan ee dagaalka ka wada qeybo ka mid ah Magaalladda Muqdishu.

 

Dhinacakale, Taliyaha. Waxaa wax laga weydiiyey Hawlaha Ciiddamadda Boliska ka wadaan Degmadda Warshiikh, wax uu sheegay inay Ciiddamadaasi yihiin kuwo ka tirsan Boliska DFKMGS, isla markaana loogu taalagalay inay sugaan Ammaanka guud ee Degmadda Warsheekh, oo ay haatan joogaan Kumanaan qoysas o oka soo barakacay Dagaallladda ka socda Mgaalladda Muqdishu.

 

 

Xassan Cali Geesey (Alqeys)

alqeys34@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federalka KMG oo markii ugu horeysay shaacisay inay Kharaj kasta ku bixin doonto sidii loo soo celin lahaa Deganaanshaha Guud ee dalka Somalia

 

26, Apr 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys)

 

Wasiirka Waxbarashadda ee DFKMGS, Md. Ismaaciil Mxaamuud Hurre Buubaa, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Federalka ku bixinayso kharaj kasta sidii loo hannan lahaa Ammaanka iyo Deganaanshah dalka Somalia.

 

Wasiirka, oo isagoo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta saakayto lagu wareystay Barnaamijka Network Afrika ee Idaacadda BBC-London, ayaa difaacay Hawlgalka ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka kula jiraan Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan Magaalladda Muqdishu.

 

Mar wax laga weydiiyey inay dowladda iska indha-tirayso dadka faraha badan ee ku geeriyoonaya dagaalladda ka socda Magaalladda Muqdishu, waxa uu sheegay inay xaqiiqo tahay inay dad rayid waxyeello ka soo gaarayaan Colaadahasi, isagoo dhinaca kalena ku dooday inay Boqolaal qof horey ugu geeriyoodeen, Kumanaan kalena ugu barakaceen dagaalladdii Xamar ka ddhici jirey intaysan DFKMGS imaanin halkaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Taasi waa xaqiiqo inay Nafaf ku dhimanayaan, , waad og tahay inay Boqolaal qo qof oo Soomaali ah ku geeroyoodeen dagaalladdii Qabaa'ilka ee ka dhacay Somalia, haatan waa markii ugu horreysay oo ay dad ku geeriyoodaan Hawlgalka ay Dowladdu ku soo celinayso Degananashaha iyo Ammaanka, Qiimaha waa laga yaabaa inuu kordho, isla markaana noqonayo mid aan isku dheelitirnayn, laakiin Dowladda waxay kharaj kasta ku bixinaysa sidii loo soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Ammaanka.

 

 

 

Xassan Cali Geesey (Alqeys)

alqeys34@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this