Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Itoobiya ka faa’iideysaa ku biiridda Jaamacadda Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay bartaan luqadda Carabiga, taas oo uu sheegay inuu dalban doono in lagu dhigo dugsiyada dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena rajo ka muujiyay in Itoobiya ay ku biirto ururka Jaamacadda Carabta.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in “Itoobiya ay ka faa’iidi doonto” ku biiridda ururkan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray kulan uu la qaatay madaxda Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, wuxuu yiri, “In Muslimiinta Itoobiya laga dhigo, in ay yihiin muwaadiniin dabaqad labaad ah waa arrin duugoowday.” isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay u aragto dhammaan dadka Itoobiyaanka ah in ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq siman. iyo waajibaadka, iyada oon loo eegin diintooda.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku sii socoto wadadii dib u habeynta ee dowlad cilmaani ah, iyada oo diimaha oo dhan ay iskugu mid yihiin, isla markaana siinaysa xuquuqdooda,

Waxa uu tilmaamay in dowladiisu ay aqoonsan tahay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka, isla markaana ogolaatay furitaanka. Bangiyada Islaamiga ah, iyagoo u tixgelinaya in ay tahay “xuquuq ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee Itoobiya, mana aha buu yidhi nay noqoto in loogu kala began bilaha March iyo September, waxa uuna shir khaas ah isugu yeeri karaa waqtiyo kale, haddii uu codsi ka imaado labo xubin.

Howl-maalmeedka ururka Jaamacadda Carabta waxaa fuliya koox xog-heyn guud ah oo uu guddoomiyo xog hayaha guud.

Maxay Itoobiya ka faa’iideysaa ku biiridda Jaamacadda Carabta?

Itoobiya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Marka la eego shuruudda Jaamacadda Carabta u degsan, waxaa xubin ka noqon kara dal ay dakdiisu ku hadlaan luqadda Carabiga, isla markaana raadka Carabta ay soo jireen iyo asal ku tahay, sidaa daraaddeed, Itoobiya ayaan buuxin karin shuruuddan, sida uu qabo Dr Xasan Albasri oo ah madaxa Jaamacadda Caynul Xayaat ee dalka Yemen, heystana shahaadada cilaaqaatka dawliga iyo diplomaasiyadda.

Marka dhanka kale laga eegona, way ku biiri kartaa iyadoo ah dal korjooge ah, sida dalalka Eitrea, Hindiya iyo Brazil oo heysta xubnaha korjoogeyaasha, waxayse ku qasban tahay inay hesho codka dalalka xubnaha ka ah.

Itoobiya ayaa xiriir iyo taariikh fog la lahayd dalalka Islaamka, iyadoo asxaabtii Nebiga NNKH ee Itoobiya usoo hayaamay ay magangalyo ka heleen boqorkii dalkaas.

“Haddii taariikhdaas dahabiga ah loo eego, Itoobiya way kusoo biiri kartaa Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri.

Dr Albasri ayaase sheegay in laga yaabo inay caqabad ka imaan karto in dalalka Jaamacadda Carabta ay u codeeyaan, maaddaama Masar oo aysan Itoobiya isku fiicneyn ay awood ku leedahay Jaamacadda Carabta.

“Maaddaama Abiy Axmed uu dalbaday in dadkiisa ay luqadda Carabiga bartaan, taas waxay fureysaa isku xir ballaaran oo xagga bulsho iyo dhaqan oo dhex mara Itoobiya iyo bulshada Carabta, marka in badan ayaa laga faa’iidi doonaa, Muslimiinta ku dhaqan gudahana waxay heli doonaan fursadaha waxbarasho ee Jaamacadda Carabta, iyo sidoo kale caafimaad ahaan oo ay aadi karaan dalalka Carabta,” ayuu yiri.

Dr Albasri ayaa qaba in damaca Itoobiya ee ku biirista Jaamacadda Carabta laga yaabo inay tahay arrin siyaasadeed, maaddaama Soomaaliya ay gacan buuxda ka heshay Jaamacadda Carabta makrii uu taagnaa murankii Badda Cas.

Faa’iidooyinka kale ee Itoobiya ay ka heli karto ku biirsta ururkan, waxaa ka mid ah in isla gacan taageero ay ka hesho qaar ka mid ah dalalka Carabta, xag diblomaasiyadeed iyo siyaasad ahaanba.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this