Sign in to follow this  
Deeq A.

Poland oo sheegtay in gantaal Ruushka laga lee yahay ku soo xad-gudbay Hawada dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   
pxone26so5aazcq.jpeg?resize=495%2C282&ss

Dowladda Poland ayaa sheegtay maanta in ay Ruushka ka dalban doonto in uu sharxo “xadgudub cusub oo hawada sare ah” ka dib markii gantaal Ruushka laga leeyahay uu kusoo xadgudbay hawada dalkaasi oo ka tirsan NATO.

“Hawada Poland waxaa ku soo xadgudbay mid ka mid ah gantaalada nooca loo yaqaan Cruise missiles ee habeenkii ay rideen ciidamada cirka ee Federaalka Ruushka, gantaalka ayaa ku duulay hawada Poland ee ka sarreysa tuulada Oserdow (gobolka Lublin) waxayna hawada dalka uu ku jiray joogtey 39 ilbiriqsi” ayay tiri dowladda Poland.

“Waxaan ka codsaneynaa Federaalka Ruushka inay joojiyaan duqeymaha argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka iyo dhulka Ukraine, si loo joojiyo dagaalka iyo in diiradda la saaro dhibaatooyinka gudaha ee dalka,” ayaa laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi Poland oo lagu magacaabo Pawel Wronski.

Dhanka kale, Ukraine ayaa sheegtay in Ruushku uu dalkiisa ku qaaday weerar saddexaad oo gantaallo ah afartii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ahaa kii labaad oo lagu bartilmaameedsado Kyiv. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in digniinta hawada ee Kyiv ay socotay in ka badan laba saacadood.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in 10 gantaal oo Yukreeniyaan ah ay ku soo rideen magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea, iyagoo intaa ku daray in ay Sabtidii qabsadeen tuulo u dhow Bakhmut.

PUNTLAND POST

The post Poland oo sheegtay in gantaal Ruushka laga lee yahay ku soo xad-gudbay Hawada dalkeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this