Siciid1986 Posted January 19, 2010 Xukuumadda Somaliland Oo Soo Daabacanaysa Lacag Cusub Oo Shiling Somaliland Ah Wakhti Loo Diyaar Garoobayo Doorashada Madaxtooyada Lacagtani shilinka Somaliland ah ee ay xukuumadda Somaliland hadda soo daabacanayso ayaan qiimaha cadadkeeda la garanaynin wallow tilmaamo soo baxaya ay muujinayaan inay ku dhawdahay 2 bilyan oo shilinka Somaliland ah oo ah lacag ka badan 30 malyuun oo dollarka maraykanka ah. Xukuumadda ayaa looga bartay in badanka soo dabacato lacagaha shilinka Somaliland wakhtiyada ay danaha gaarka ah leedahay sida xilliyada doorashooyinku dalka ka dhacayaan, waxaana khubarada arrimaha dhaqaalaha ku xeel dheeri ay Golisnews u sheegeen in lacagtani haddii lagu sii daayo suuqyada Somaliland ay khal khalin doonto qiimaha sarifka lacagaha isla markaana ay sababi karto sicir barar dhinaca maceeshadda iyo qiimaha wax kala iibsiga ah. Sidani oo kale ayey Xukuumadda Somaliland lacag usoo dabaacatay sannadahii 2002-dii markii ay u diyaar garoobaysay doorashadii sannadkii 2003-dii iyo sannadkii 2005-tii oo ay u diyaar garoobaysay doorashadii golaha wakiiladda, waxaana qandaraaska samaynta lacagtani la siiyey wershad laga leeyahay dalka Malesia. Golisnews, Xafiiska Wararka Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sikaawe Posted January 19, 2010 If this is true it good news for Somaliland's economy and development, adeer. Sidii hore loo yidhi " nin duulay dantii kaa og ". Quote Share this post Link to post Share on other sites