Jacaylbaro Posted September 5, 2009 Nairobi (HWN/UNPOS)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdalla, ayaa tan iyo intii is-mari-waaga Siyaasadeed dalka ka bilaabmeen, markii u horraysay ka hadlay khilaafaadka Siyaasadeed ee Somaliland ka taagan, waqti Wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenkiisu ay dalka dib uga amba-baxeen. Sida aanu ka soo xiganay Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu sheegay in Somaliland oo beesha Caalamku uga bartay inay iyagu dhexdooda dhammaystaan khilaafaadka, isla markaana isu-tanaasulaan uu rejaynayo in ay hoggaankooda Siyaasaddu tallaabadaa qaadi doonaan. Waxaanu sheegay in Somaliland taa awood u leedahay. “Somaliland waxay taariikh ku lahayd xallinta khilaafaadka dhexdooda, waxaanan rejaynayaa in hab-dhaqankaasi hadda ka hirgeli doono (Somaliland), si loo xallilo murannada iyo is-maan-dhaafyada taagan.” Ayuu yidhi Ergaygu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Labaatankii sanno ee la soo dhaafay reer Somaliland waxay ku taagnaayeen Jidka wada-xaajoodka iyo xallinnta Khilaafaadka. Markaa waxaan rumaysnahay in Somaliland ay aqoon u leedahay xal-u-helidda khilaafaadka gudahooda.” Hadalka ka soo yeedhay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay waqti Wefti uu horkacayo Ku-xigeenkiisu Mr. Charles Betrie uu dalka dib uga laabtay ka dib markii uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweyne Rayaale, Hoggaamiyayaaasha Axsaabta Mucaaradka ah iyo Hay’adaha Dawladda ee kale qaarkood. Hadhwanaagnews.com/O ffice Hargeysa/Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 5, 2009 “Somaliland waxay taariikh ku lahayd xallinta khilaafaadka dhexdooda, waxaanan rejaynayaa in hab-dhaqankaasi hadda ka hirgeli doono (Somaliland), si loo xallilo murannada iyo is-maan-dhaafyada taagan.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted September 5, 2009 la'arki doone Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 5, 2009 Taasaan been ahayn ,,, "la arki doonee" Quote Share this post Link to post Share on other sites