Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahmedou Ould-Abdalla Talks about Somaliland

Recommended Posts

Nairobi (HWN/UNPOS)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdalla, ayaa tan iyo intii is-mari-waaga Siyaasadeed dalka ka bilaabmeen, markii u horraysay ka hadlay khilaafaadka Siyaasadeed ee Somaliland ka taagan, waqti Wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenkiisu ay dalka dib uga amba-baxeen.

 

 

Sida aanu ka soo xiganay Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu sheegay in Somaliland oo beesha Caalamku uga bartay inay iyagu dhexdooda dhammaystaan khilaafaadka, isla markaana isu-tanaasulaan uu rejaynayo in ay hoggaankooda Siyaasaddu tallaabadaa qaadi doonaan. Waxaanu sheegay in Somaliland taa awood u leedahay. “Somaliland waxay taariikh ku lahayd xallinta khilaafaadka dhexdooda, waxaanan rejaynayaa in hab-dhaqankaasi hadda ka hirgeli doono (Somaliland), si loo xallilo murannada iyo is-maan-dhaafyada taagan.” Ayuu yidhi Ergaygu.

 

 

 

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Labaatankii sanno ee la soo dhaafay reer Somaliland waxay ku taagnaayeen Jidka wada-xaajoodka iyo xallinnta Khilaafaadka. Markaa waxaan rumaysnahay in Somaliland ay aqoon u leedahay xal-u-helidda khilaafaadka gudahooda.”

 

 

Hadalka ka soo yeedhay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay waqti Wefti uu horkacayo Ku-xigeenkiisu Mr. Charles Betrie uu dalka dib uga laabtay ka dib markii uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweyne Rayaale, Hoggaamiyayaaasha Axsaabta Mucaaradka ah iyo Hay’adaha Dawladda ee kale qaarkood.

 

 

 

 

 

Hadhwanaagnews.com/O ffice

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Somaliland waxay taariikh ku lahayd xallinta khilaafaadka dhexdooda, waxaanan rejaynayaa in hab-dhaqankaasi hadda ka hirgeli doono (Somaliland), si loo xallilo murannada iyo is-maan-dhaafyada taagan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this