General Duke Posted April 15, 2007 Ganacsatada gobolka banaadir oo dib uga howl galay dekada weyn ee Muqdisho (Muqdisho)-Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay bilaabeen howlaha dejinta iyo ka dhoofinta ee dekedda magaalada Muqdisho oo mudadii la soo dhaafay muran uu ku dhex taagnaa DFS iyo ganacsatada.. Guddiga gnacastada gobolka banadir oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadalay qorshe lagu yaraynayey qiimo koror horay loogu sameeyey badeecadaha ka soo dega dekadaha waaweyn ee dalka kaasi oo muran xoogan dhaliyey. Wada xaajod dheer ka dib ayaa waxaa masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatadu isla garteen in meel dhexe wax laysug keen lana dabciyo qiimo kororkii lagu sameeyey badeecadaha ka soo degaya dekadda magaalada Muqdisho. Dekadda magaalada Muqdisho ayaan hadda muddo bil ah wax badeecad ahi ka soo deign ka dib markii uu mrun xoogan oo xagga cashuuraha ku saabsan uu soo dhex galay ganacsatada iyo dawlada taasi oo hadda wada hadal lagu dhameeyey. Xarunt wararka Waayaha.net Editor@waayaha.net waayahanet@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites