Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Maanta booqanaya Xadka Maringa Gaza iyo dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenya_Sudan_UN_Guterres_28408.jpg?resize

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in uu booqdo xadka u dhaxeya Gaza iyo Masar, si uu qayb uga noqdo dadaallada caalamiga ah ee lagu raadinayo xabbad-joojin ka hirgasha Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee Gaza ayaa ka digay, in guud ahaan malaayiinta qof ee ku go’doonsan Gaza ay galeen xaalad macluul ah, isla markaana ay dadku billaabeen in maalin walba ay gaajo u dhintaan.

Xaaladdan ba’an ee macluusha ayaa ka danbaysay kaddib dagaal iyo duqeymo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamada Israel ku hayaan Gaza muddo ka badan shan bilood kuwaas oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo u badan dumar iyo carruur.

Booqashada xadka Rafax ee Antonio Guterres ayaa imaanaysa xilli ay Israel ku hanjabtay in ay weerar laxaad leh ku qaadi doono magaalada Rajax ee Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo shacab barakac ah.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Maanta booqanaya Xadka Maringa Gaza iyo dalka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this