Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir lagu diiddan yahay sida loo wado Wax-ka beddelka Dastuurka Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711186659128.jpg?resize=720%2C48

Shir Siyaasadeed oo la sheegay in looga hadlayo marxladda uu dalka Soomaaliya marayo ayaa Maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka oo ay marti-gelisay Xukuumadda Puntland, waxa ka qayb-galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Garoowe waxa dhanka Puntland Madaxweyne Siciid Deni ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad Maxamed Baari, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Qoraal kooban oo soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlayo marxladda uu dalku marayo “Madaxtooyada Dowlada Puntland waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Warar madax-bannaan ayaase sheegaya in Qodobka ugu muhiimsan ee Shirka Garoowe uu yahay Arrimaha Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u waddo Hannaanka Wax-ka beddelka Dastuurka KMG ah ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Shir lagu diiddan yahay sida loo wado Wax-ka beddelka Dastuurka Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this