Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Isku Dubo-ridka Heshiiska Somaliland iyo itoobiya oo la Kulmay Bahda Saxaafadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Isku Dubo-ridka Heshiiska Somaliland iyo itoobiya oo la Kulmay Bahda Saxaafadda Somaliland
IMG-20240322-WA0017.jpg

IMG-20240322-WA0018.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida farsamo ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u igmaday iskuduba ridka heshiiskii isfaham ee dhawaan dhex maray waddamada Somaliland iyo Ethiopia ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay Saxaafadda kala duwan ee Somaliland.

Kulanakn oo daba socday kulamo isdaba jooga ah oo ay guddidu la yeelanaysay ururrada bulshada iyo waxgaradka bulshada ayey guddidu warbaahinta uga xog warrantay ujeeddada kulankooda.

Xubnaha guddida ayaa warbaahinta ku boorriyey inay bulshada ku xidhan xog sugan ka siiyaan habsami usocodka heshiiska is faham ee Somaliland iyo Ethiopia oo waqtigan meel fiican maraya, waxana ay saxaafaddu dhankooda uga mahadnaqeen guddida farsamo ee kulanka ku marti qaadday, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay dhankooda diyaar ula yihiin wada shaqayn iyo isla jaanqaad buuxa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this