Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ay ku dhinteen 40 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 100 ruux oo xalay ka dhacay magaalada Moscow

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711147723244.jpg?resize=720%2C40

Dabley hubeysan oo ku labisan dharka ciidanka ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa tiyaatarka magaalada Crocus ee ku dhow caasimadda dalka Ruushka ee Moscow;

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 ruux oo kale, sida ay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ka soo xigatay Hay’adda Ammaanka Federalka ee Ruushka (FSB), oo ah Hay’adda beddeshay laantii sirdoonka iyo ammaanka Midowgii Soofiyeeti ee KGB.

Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacay gudaha tiyaatarka, kaddib markii la sheegay ragga weerarka gaystay inay bambooyin iyo waxyaabaha qarxa ku dhufteen gudaha hoolka, waxaa soo dhacay saqafka kore ee dhismaha, halkaa oo sidoo kale uu dab xoogan qabsaday, taasina waxay sare u qaadi karta saacad walba khasaaraha, sida ay sheegtay Reuters.

Dowladda Ruushka ayaa weerarka ku sheegtay mid argagixiso iyo weerarkii ugu xumaa ee taariikhda ka dhaca Moscow, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka.

Ruushka ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada iyo guud ahaan caasimadda, waxaa laamaha ammaanka ee Booliska iyo hay’adaha kale lagu daadiyay dhammaan isgoysyada Moscow oo baro kontoraal la dhigay.

Duqa magaalada Moscow Sergey Sobyanin ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan xafladaha dadweynaha ee Moscow, oo ay ku jiraan ciyaaraha iyo kulamada dhaqameed ee loo qorsheeyay dhammaadka usbuuca.

Guddiga dambi baarista ayaa ku dhawaaqay in kiis dambi ah oo ku lug leh eedeymo argagixisanimo oo ku saabsan weerarkii toogashada ee tiyaatarka ( Hall City Crocus) oo ah midka ugu weyn ee ku yaalla Moscow la furay, kaddib xaaladda degdegga ah ee lagu dhawaaqay.

PUNTLAND POST

The post Weerar ay ku dhinteen 40 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 100 ruux oo xalay ka dhacay magaalada Moscow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this