Gar-haye Posted May 12, 2008 Guddoomiyihii degmada H/Wadaag oo maanta Is casilay.iyo Maamulka Gobolka banaadir oo sheegay in ay horay xilka uga qaadeen. Submitted by wararka on Mon, 05/12/2008 - 17:35. Muqdisho. 12. May .2008. (Sh.M.Network)- Guddoomiyihii degmada H/Wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay xilkii uu ka haayay degmadaasi iyadoo Maamulka gobolka banaadir uu sheegay in ay horay uga qaadeen xilkii uu haayay Guddoomiyahaasi. Ismaan Maxmed Cosoble oo ahaa Guddoomiyihii degmada H/Wadaag ee Gobolka Banaadir oo galbta la soo xiraaray Shabelle ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkii Guddoomiyenimo isagoona sheegay in wixii ka dambeeya Maanta aanu wax xil ah uu ka haynin gobolka Banaadir,waxaana Shacabka Gobolka banaadir uu ka Codsaday inay Cafiyaan ee la xiriira wax yaabaha ay ka tabanayeen intii uu haayay Maamulka degmada H/wadaag. Waxaa uu ku micneeyay Iscasilaadiisa in aan lagu xukumin diinta Islaamka Maamulka uu hoostago sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa degmada H/Wadaag iska Casilay Ku simihii Guddoomiyaha degmadaasi Yuusf deyle oo sheegay in xiligaan uusan wax jago ah ka haynin degmada H/wadaag ,waxaana uu sheegay in war qad qoraal ah uu u gudbiyay Maamulka Gobolka Banaadir islamarkana Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir uu weydiistay Cafis. Kuxigeenka duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca amaanka C/Fitaax Shaawey ayaa waxa uu shabelle u xaqiijiyay in labadaasi xubnood ay Shalay xilkii ka qaadeen ka dib markii ay wax ka qaban waayeen amaanka degmada H/wadaag sida vuu hadalka u dhigay. C/Fitaax Shaawey ayaa waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan degmada H/wadaag ay u soo magacaabi doonaan maamul Cusub islamarkaana ay diyaareen warqadii lagu Magacaabi lahaa xubnahaasi. Somali Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 13, 2008 your fired, no i quit first. xalada TFG Quote Share this post Link to post Share on other sites