Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh shariif oo ku eedeeyay in Xasan Sheekh in uu ka shaqaynayo Siyaasad ku dhisan Qabyaalad

Recommended Posts

Deeq A.   
shariif-Ahmed.jpg?resize=1000%2C563&ssl=

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Ahmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka shaqaynayo Siyaasad ku dhisan Qabyaalad.

Mudane Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen isaga iyo Xasan Sheekh markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn”.

“Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo”.

“Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay”.

“Sidoo kale is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Sheekh shariif oo ku eedeeyay in Xasan Sheekh in uu ka shaqaynayo Siyaasad ku dhisan Qabyaalad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this