Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in Shiinuhu isu diyaarinayo duullaan ka dhan ah Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711003743617.jpg?resize=600%2C33

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee taliska Indo-Pacific, John C. Aquilino ayaa saaka u sheegay guddiga adeegga hubka ee Aqalka sare, in ay hayaan warbixinno muujinaya inuu Shiinaha u diyaarinayo ciidankiisa si uusan dal kale isku diyaarin wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.

Wuxuu warbixintiisa ku sheegay in ay jirto istiraatijiyad uu ku tilmaamay ‘hadafka gudaha’ oo uu dejiyay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, si uu Shiinaha u billaabo duulaankiisa Taiwan, ka hor inta aan la gaarin 2027.

Sarkaalkan wuxuu xusay wixii ka dambeeyay sannadkii 2020 , in Shiinaha qalabkiisa militariga uu ku daray 400 oo diyaaradaha dagaalka , 20 maraakiibta dagaalka oo casri iyo tobannaan kun oo gantaalada Ballistic-ga iyo Cruise.

Dhinaca kale Warbixintii toddobaadyo ka hor ay sirdoonka Mareykanka la wadeegaan sharci dejiyaasha Washington, waxay u sheegeen in la joogo xilligii loo digi lahaa Shiinaha, maaddama ay arkayaan inuu diyaarinayo duullaan ka dhan ah Taiwan.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in Shiinuhu isu diyaarinayo duullaan ka dhan ah Taiwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this