Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710928685156.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca”

“Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in Mr. Charles Mballa uu ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this