Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo xabsiga dhigtay koox waday qorshe afgambi oo ka dhan ah Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dowladda ay xabsiga dhigtay koox isku diyaarineysay inay afgambiyaan dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Illaa 50 qof ayaa la xidhay maanta kadib markii looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda Abiy Axmed.

Shan kamid ah dadkaan waxaa lagu xidhay caasimadda Adisa Ababa, kuwaasi oo si gaar ah loogu eedeeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo saraakiil, islamarkaana lagu afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo.

Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday oo baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Ethiopia oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira dalkaasi, gaar ahaan caasimada Addis Ababa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this