Sign in to follow this  
General Duke

Support for TFG increases nationwide: governemnt matures in Mogadishu

Recommended Posts

madaxdasaredfs.jpg

Taageerada Dowladda Federalka Oo Sii Kordheysa

 

Muqdisho(Calanka.com) 05-Jun-2007

 

Tan iyo markii ey dowladda federalku la gashay dagaalka Midowgii Maxkamadaha ee ka talin jiray konfurta Somaliya ayaa waxaa soo ifbaxayay taageero waxtar leh oo ey ka heleyso dowladda federalka gudaha dalka Somaliya iyo dibaddaba.

 

Taageerooyinkan oo isugu jira mid dhaqaale iyo midka shacabka reer Muqdishaba ayaa waxaa hadeer oo ey dowladdu ku xidideysatay caasimadda Somaliya ee Muqdisho si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka Somaliya gaar ahaana caasimadda Muqdisho.

 

Dowladda Federalka ayaa iminka ah mid aad ugu xooggan caasimadda dalka ee Muqdisho maamulkeeduna ku baahsan yahay, waxaana ey dowladdu maalinba maalinka ka danbeysa ku howlantahay sidii ey dib ugu soo celin leheyd shacabka adeegyadii dowliga ee ey u baahan yihiin .

 

Shacabka reer Muqdisho badankiis ayaa ah mid doonayo nidaam iyo dowladnimo, waxaana taas daliil kuugu ah sida ey gacan uga geysanayaan nadaafadda iyo soo celinta bilicda caasimadooda, waxaana shacabka reer Muqdisho boqolkiiba sagaashan ey taageersan yihiin dowladda iyo howlaha soo celinta qaranka oo ey ka wado dalka.

 

Hadaba waxaa dhacdo oo aan warbaahinada sida gaarka ah loo leeyahay ku maqalno ama ku aragno in aan waxba laga soo qaadin shacabka boqolkiiba sagaashanka ah ee ku sugan dalka Somaliya ee u ooman dowladnimada iyo qaranimadii luntay mudadii 16-ka sano, waxeyna warbaahinadan badankood u adeegayaan ama buunbuuniyaan kooxaha diidan in nidaam iyo kala danbeyn kusoo laabato dalka taasoo loo fasiran karo in ey ilaashanayaan oo kaliya danahooda gaarka ah eynan wax dan ah ugu jiran wax la yiraahdo qaranimo.

 

Xaqiiqda dhabta ah ee iminka ka jirta caasimadda dalka iyo waliba guud ahaan Somaliya ayaa runtii ah mid aad iyo aad uga fog sawirka ey ka bixiyaan saxaafadda somalida ee badankood laga hago dalka dibadiisa iyagoo shaqsiyaadka qora ama furtay warbaahinadan eysan Somaliya il saarin sanooyin badan iyagoo tusaya walaalohood qurbaha la jooga kuna dhibaateysan runtii sawir kale oo ku saleysan ama muujinaya neceyb, qabiil iyo diidmo oo ey ku sheegaan in shacabka reer muqdisho badankiis mucaarad ku yahay dowladda iyadoo xaqiiqdu ey tahay in boqolkiiba sagaashan ey shacabka reer Muqdisho taageersan yihiin dowladda iyo nidaamka ey wado.

 

Marka la eego iyadana taageerada beesha caalamka ey u fidiyaan dowladda federalka ayaa ah mid aad loo taaban karo, waxaana ey ka wada siman yihiin in lasii xoojiyo taageerada ey iminka u hayaan dowladda federalaka iyo in qalalaasaha laga saaro dalka Somaliya oo 16-sano dowlad la`aan ahaa.

 

Ugu danbeyntii waxaa la iclaamiyay shirweyne qaran, kaasoo dhacaya 14-juun ee sanadan eynu ku jirno, waxaana dadka badankiis ey u arkaan shirkan mid mira dhala kana saaraya qabaa`ilada iyo beelaha Somaliyeed cuqdada ey isu hayaan.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaqiiqda dhabta ah ee iminka ka jirta caasimadda dalka iyo waliba guud ahaan Somaliya ayaa runtii ah mid aad iyo aad uga fog sawirka ey ka bixiyaan saxaafadda somalida ee badankood laga hago dalka dibadiisa iyagoo shaqsiyaadka qora ama furtay warbaahinadan eysan Somaliya il saarin sanooyin badan iyagoo tusaya walaalohood qurbaha la jooga kuna dhibaateysan runtii sawir kale oo ku saleysan ama muujinaya neceyb, qabiil iyo diidmo oo ey ku sheegaan in shacabka reer muqdisho badankiis mucaarad ku yahay dowladda iyadoo xaqiiqdu ey tahay in boqolkiiba sagaashan ey shacabka reer Muqdisho taageersan yihiin dowladda iyo nidaamka ey wado.

 

People want governance and peace. The Starbucks fans in the diaspoar are trying to keep the status quo going. What will the talk about when the clan struggle is over?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this