Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo xiray laba nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710894725334.jpg?resize=372%2C20

Laamaha AmnigaJarmalka ayaa xiray laba nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Labada nin ayaa lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weerar ka dhan ah baarlamaanka Sweden, si ay uga aargoostaan ​​Qur’aankii lagu gubay dalka Sweden.

Xafiiska dacwad oogaha federaalka ee Jarmalka ayaa shaaciyay warbixinta ku saabsan qabashada laba eedaysane oo ka soo jeeda dalka Afgaanistaan.

Labada eedaysane ee loo haysto kamid ahaanshaha Daacish ayaa magacyadooda lagu sheegay Ibrahim MG iyo Ramin N waxaana lagu xiray magaalada bariga Jarmalka ku taalla ee Gera.

PUNTLAND POST

The post Jarmalka oo xiray laba nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this