Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgal ku dishay in ka badan 30 xubnood oo Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab.webp?resize=696%2C391&ssl=1

In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi uu ka dhacay degaannada Baqdaad iyo Baldooska oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarih ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed”.

“Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada dowladda ee ku aaddan khasaaraha hawlgalka islamarkaana maleeshiyaadka Al shabaab weli kama hadlin arrintaasi.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1710847345745.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgal ku dishay in ka badan 30 xubnood oo Shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this