Sign in to follow this  
OLOL

Suldaan Hurre Group reveals those planning Somali's second civil war

Recommended Posts

OLOL   

15-ka XUBNOOD EE KA MASUUL NOQONAYA HADDII DAGAAL SOKEEYE DIB UGA BILOWDO SOOMAALIYA

 

 

SULDAN HURRE HUMAN RIGHTS GROUP

suldanhurre@yahoo.co.uk

Sabti: 16-07-2005

 

Anagoo ah Suldan Hurre Human Rights Group (SHHRG) waxaan cadaynaynaa in Col.C/Yusuf u istaagay inuu Soomaaliya ka huriyo coldaan horle, taasoo maanta aysan ummadda Soomaaliyeed sinaba ugu baahnayn. Waxaan cadaynaynaa in gulufka colaadeed ee uu Col.C/Yusuf hor kacayo loogu magac daray OPERATION RESTORE STABILITY SOUTHERN SOMALIA, inkastoo laga yaabo in la bedelo magacan.

 

Kadib markii aan si qoto dheer baaritaan rasmiya ugu ku samaynay waxaa noo cadaatay in 15 xubnood ay yihiin dadka u ololaynay in dagaal lagu qaado degaanada Muqdisho, Baydhabo iyo Marka. 15-kan xabnood ayaan cadaynaynaa inay yihiin dadka haddii maanta Soomaaliya ay dib uga bilaabato colaad hor leh dadka masuuliyadeeda lagala xisaabtamayo. 15-ka xubnood ayaa kala ah:

 

1.Col.Cabdullahi Yusuf Axmed (Puntland Warlord)

2.Cali Maxamed Geedi (PM Ethiopian Stooge)

3.Axmed Cabdullaahi Yusuf Axmed (Yeey’s son)

4.Maxmed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) (PM’s clansmen and Middle Shabelle Warlord)

5.Islaan Bashiir Islaan Cabdulle (Yeey’s clansman)

6.Yusuf Cumar Azari (Yeey’s clansman)

7.Col.Cabdulaahi Mire Careys (Yeey’s clansman)

8.Capt. Siciid Axmed Xirsi (S-dheere) (Yeey’s clansman)

9.Col.Cabsirisaaq Afguduud (Yeey’s clansman)

10.Cawil Dhiig-sokeeye (Yeey’s clansman)

11.Cabdirashiid Aadan Seed (Qoor) (Yeey’s clansman )

12 Injineer Ismaaciil Xaaji Warsame (Yeey’s clansman)

13.Maxamed Aadan Bidaar (Yeey’s clansman)

14.Daahir Mire Jibriil (Yeey’s clansman)

15.G/ Sare Jaamac Geyre (Yeey’s clansman)

 

Waxaan xasuusinaynaa ummadda Soomaaliyeed in markii uu istaagay dagaalkii 2aad ee adduunku, lana jabiyey dawladdii Jarmalka ay go’aan gaareen Bishii May 1945 Winston Churchill, Harry S.Truman, Joseph Stalin iyo Charles De Gaulle, isku raaceen in maxkamad caalamiya la soo taago raggii hoggaaminayey Dawladdii Jarmalka ee laga adkaaday. Waxaana la diyaariyey liis ay ku qornaayeen 21 nin oo Jarmal ah, oo ahaa raggii go’aanka iyo talada hayey, kana mid ahaayeen, Hermann Goering, Rudolf Hess, Albert Speer, Julius Streicher, taasoo la saaray Maxkamadii Nuremberg War Crime Trail. Waxaana 21-ka nin lagu soo eedeeyey inay la haayeen talada iyo go’aanka dagaalkii 2-aad ee milaayiintu ku dhinteen, waxaana raggaas qaarna lagu xumay dil, qaarna xabsi dheer. Sidoo kale waxaan ummadda Soomaaliyeed u iftiiminaynaa in haddii maanta dagaal sokeeye ka bilowdo Soomaaliya ay 15-ka xubnood yihiin dadka masuulka ka ah. Qofkasta oo Soomaaliya ee dhibaato ka soo gaarto dagaalkaasna uu ogaado cida dhibkaas ka dembaysay inay yihiin xunahan kor ku xusan.

 

Waxaan taageersan nahay qoraaladii ay soo kala qoreen Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Mudane Cabdillahi Axmed Caddow kagana hadlayeen in arrimaha siyaasadda ee la isku haysto lagu dhameeyo wadahadal, hajabaadda iyo gulufka colaadeed ee uu wado Col.C/Yusufna uu ka tanaasulo.

 

Waxaan si buuxda u soo dhawaynaynaa go’aankii (14.07.2005) Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku qaadaceen in Cuna-qabateynta hubka saaran laga qaado wakhtigaan Soomaaliya. Waxaana aad iyo aad ugu hambalyaynaynaa ummadda Soomaaliyeed ee nagala qaybqaadatay qoraaladdii is-daba jooga ahaa ee aanu u diray xafiiska Qaramada Midoobay ee aanu ugu muujinay in aan Soomaaliya laga qaadin cunaqabadaynta hubka ee saaran.

 

Anagoo ah Suldan Hurre Human Rights (SHHRG) waxaan kula talinaynaa 15-kan xubnood inay tusaale ka qaataan Dalka Suudaan oo muddo 30 sano ah dagaal sokeeye ku jiray. Dagaalkaas oo ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafay 2 milyan, hadana maanta la soo afjaray colaadaas. Labada dhinac ee colaadu ka dhexaysayna ay ******** in wax horumara oo laga gaarayo in dagaalku sii socodo aysan jirin. Sidoo kale ayaan kula talinaynaa 15-kan xibnood inay ka tanaasulaan dagaalka iyo colaada ay ka wadaan dalka Soomaaliya. Una istaagaan nabadaynta iyo sidii ay Soomaaliya isugu keeni lahaayeen, taas ayaana sharaf, wanaag iyo xasanaadba ugu jiraa adduunka iyo aakhiraba.

 

Waxaan ugu baaqaynaa culumadda Soomaaliyeed inaysan arrintan ka aamusin ee ay ka hadlaan inaan Soomaaliya dagaal dib looga bilaabin gaar ahaan, Shiikh Cumar Faaruuq, Shiikh Maxamed Shiikh Cusmaan, Shiikh C/laahi Cali Xaashi, Shiikh Daahir, Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil, Shiikh Maxamed Cabdi Umal, Sh. Maxamed Idiris, Sh. C/raxiim Dhabar, C/raxmaan sh.Cumar, SH. Maxammed Rashaad, Sheekh C/qaadir Cukaashe, Sheekh Nuur Cali Jaamac , Sheekh Maxamed Axmed Rooble, Sheekh Shariif Maxamuud, Sheekh Cumar Cali cabdule, Sheekh C/kariim Xassan Xoosh, Sheekh Axmed Imaam, Sheekh Axmed Daahir Aweeys, Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed Yare), Sheekh C/laahi Macalin, Sh. C/Raxmaan Janaqow, Sh. Cali Warsame, Sh Cusmaan Cali Xuseen iyo culumada kale ee Soomaaliyeedba.

 

Waxaan culumada Soomaaliyeed ku baraarujinaynaa inay tahay waajib saaran inay saxaafadda ka hadlaan ee aysan idhaha ka daboolan, sidii looga baajin lahaa ummadda Soomaaliyeed ee 15-ka sano dagaalka ku jirtay, inay haddana dib ugu laabato colaad iyo dagaal hor leh.

 

SULDAN HURRE HUMAN RIGHTS GROUP

suldanhurre@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this