Deeq A. Posted March 18, 2024 Wakaaladaha Biyaha oo shir la yeeshay Wasiirka Biyaha Hargeysa(Qaran news)-Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Waxa ka qabsoomay kulankii Wakaaladaha dalka. Wasiirka Wasaaradda Horumarintakhayraadka Biyaha Dr Sulayman Yusuf Cali koore oo ay Weliso Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Nafisa Maxamuud Shirwac ayaa kulan la Qaatay Maareeyaasha Wakaaladaha Dalka , kulankan oo ku saabsanaa horumarinta Wakaaladaha Dalka ayaa ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxaana kasoo qayb galay maareeyayaasha Wakaaladaha Waawayn ee dalka , Intii uu shirku socday waxa lagu lafaguray hawlaha shaqo ee ay Wakaaladuhu uxil-saaranyihiin iyo sidii xal looga gaadhilahaa caqabadaha ka hor-yimaada Wakaaladaha, Waxa kale oo war-bixino hawl-qabadyadooda iyo qorshayaashooda la xidhiidha lagaga dhagaystay Maareeyayaasha Wakaaladaha Dalka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites