Sign in to follow this  
Deeq A.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo mareysa meel xasaasiya iyo BF oo maanta dhameeyay…

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa weli ka socoto baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo mareysa meel xasaasi ah, xilli ay si adag uga biyo diideen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka maanta oo ahaa midkii 26-aad ee labada gole ee baarlamaanka, ayaa waxaa shir-guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayada oo ay ku wehliyay ku-xigeenka labaad Aqalka Sare ee baarlamaanka Cabdullaahi Timacadde.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Xildhibaannada iyo Sanatarrada waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada 1-aad iyo 2-aad ee Cutubka 4-aad oo la xiriira doorashooyinka iyo matalaada Shacabka.

Doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee dqstuurka KMG ah ayaa sii socon doona, iyada oo maalinta beri ah ee Talaadada uu jiro kulanka Golaha, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo soo xiray kulankii maanta.

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka, ayaa waxaa meel adag iska taagay madaxdii hore ee dalka Shariif iyo Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, islamarkaana ay weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto si uu dhaqan-gal u noqdo.

The post Doodda wax ka beddelka dastuurka oo mareysa meel xasaasiya iyo BF oo maanta dhameeyay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this