Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Airways oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Egypt Air.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle“ Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta surtagalnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho , shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaaso noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin.

Egypt Air, ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan, labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan, waxayna noqonayaan duulimaadyadii sagaalaad oo caalami ah oo ka soo degga Muqdisho, waxaa horey si joogta ah uga soo deggayay Muqdisho shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah ; Turkish Airlines , Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flydubai ,Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

“ Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu gudbi lahayn duulimaadyada bariga dhexe , waxaana dalka uu martigelin doona shirkadaha diyaaradaha Yurub oo daneynaya inay duulimaadyo ka billaabaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle .” ayuu ku daray Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay qorshaha xiga ee horumarinta duulimaadyada caalamiga ah si loogu fududeeyo muwaadiniinta duulimaadyada caalamiga ah oo sidoo kale gacan ka gaysana qorshaha horumarinta dhaqaale iyo sumcada qarankeenna.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this