Sign in to follow this  
General Duke

Warlord IndaCade Vs Turki - a new ****** phase

Recommended Posts

Jaalle Indhacadde “Dulyadeyn waa in uu soo wareejiyo hubka iyo qalabka uu inoo hayo”.

 

Iyadoo uu sii laba kacleynayo khilaafka daran ee u dhexeeya kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Soomaaliya,ayaa jaale Indhacadde oo ah xoghayahya dagaalka ee maliishiyada maxaakimta waxaa uu si kulul u weeraray nin magiciisa ku sheegay Dulyadeyn oo sheegtay in uu yahay taliyaha maliishiyada Al Turki,kuna tilmaamay ururka maxkamadaha in uu goor hore baaba’ay.

 

Jaale Indhacadde oo saxaafada Muqdisho la hadlay waxaa uu sheegay in uu ugu baaqayo Dul yadeyn in uu soo wareejiyo hubka iyo qalabka uu maxaakimta u hayo,hadii uu amarkaa ka dhaga adeygana ay talaabo ka qaadi doonaan.

 

“Anagu ma ogin meel uu maxaakimta kaga baxay,waxaanu ognahay in dagaalkii xalay uu ka qeyb galay aanu maalgelinta iyo hubkaba lahayn,hadii uu maxaakimta ka baxayana ma ahan in uu idaacadaha ka sheegto, ee waa in uu nalasoo socodsiiyo, Dulyadeyn waa in uu soo wareejiyo hubka iyo qalabka uu inoo hayo”.ayuu yidhi Jaale Indhacadde.

 

Hadalka Jaale Indhacade ayaa si weyn looga dareemi karayay khilaafka aadka u daran ee soo kala dhex galay kooxaha islaamiyiinta ee dhibaatada coaladeed ka wada dalka Soomaaliya, kuwaas oo khilaafkoodu uu haatan ku dhowyahay heer ay xabad iskala hor yimaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this