Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale iyo Wasiirro Ka Tirsan Dowladda oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka Xasilinta Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Wasiirro mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa kulan afur wadareed ah kaga qeyb galay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dhiiragelin iyo bogaadin loo sameeynayay ciidanka caasimadda oo saacad walba u taagan sugidda amniga Muqdisho, iyadoo xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, ciidanka Boliis Milatariya ayaa sanad jirsaday waqtigii amniga loo dhiibay.

Kulankaan ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Wasaaradda Cadaalada iyo Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Laamaha Amniga degmooyinka.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Amniga ayaa kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah Degmada Dayniile, si ay ugu kuur-galaan xaaladaha Amniga iyo midka nololeed, iyagoona shacabka ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin la-shaqeynta laamaha Amniga, waxa ayna ugu baaqeen in la dar-dargeliyo sugida Amniga si loogu hortago dhagaraha cadowga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this