Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya oo xalay Shir ku yeeshay magaalada Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20240318-WA0005-860x569-1.jpg?resize

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo sidoo kale Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki ayaa sidoo kale socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya oo xalay Shir ku yeeshay magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this